Ajandihii Kiiska C/kariin Qalbi-Dhagax ee Aqalka Sare oo dib loo dhigay

Ajandihii Kiiska C/kariin Qalbi-Dhagax ee Aqalka Sare oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay ajandihii Kiiska C/kariin Qalbi-dhagax ee saaka lagu waday inay ka doodaan Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay ku dhawaaqay in Aqalka Sare uu maanta ka doodayo go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax sax iyo qalad.

Hase ahaatee Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare oo ay hoggaaminayeen Senatora Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Dhagey ayaa Golaha Aqalka sare horgeeyay mooshin ay ku dalbanayaan in ajandaha laga saaro kiiskan.

Buuq iyo jahwareer badan oo hareeyay kulanka Aqalka sare ayaa Guddoonka Aqalka sare waxaa uu go’aamiyay in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga doodo

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo ajandaha, isla markaana laga saaro ajandaha dooda maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com