Ahlusunna oo  codsanaysa in la fuliyo heshiiskii ay la galeen dowladda

HomeWararka

Ahlusunna oo codsanaysa in la fuliyo heshiiskii ay la galeen dowladda

Iyadoo weli aan xal buuxa laga gaarin dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan qorshihiisu wado dowladda Federaalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb w

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir cWaaq (dhegayso)
Qaar Kamid ah haweenka Bosaaso oo sheegay inay diyaar u yihiin Garab istaaga SSC
“Madaxweynaha Puntland oo dhan baa doorata, hal gobol lagama doorto, hal degmo lagama doorto”

Iyadoo weli aan xal buuxa laga gaarin dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan qorshihiisu wado dowladda Federaalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhexeeyay Hoggaanka Ahlusunna iyo Ergo ka socotay dowladda.

Xildhibaan Shaacir oo ka tirsanaa Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ee waqtiga xilheyntoodu dhamaaday kana soo galay dhanka Ahlusunna oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ahlusunna ay dooneyso in la fuliyo heshiiskii ay la gashay dowladda Federaalka, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo 35 Xildhibaan.

Sidoo kale Xildhibaan Shaacir ayaa waxaa uu tilmaamay in weli uusan Go’in xiriirkii u dhexeeyay Ahlusunna iyo dowladda, isla markaana waxaa uu xusay in dowladda Federaalka ay taageersan yihiin, wuxuuna ugu baaqay in la fuliyo heshiiskii la wada galay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in aysan jirin cid aan Ahlusunna aheyn oo Ciidan iyo hub ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in heshiiskii ay la galeen dowladda uusan kaliya aheyn wax ku Kooban Warqad.

Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan ku yeeshay Ergo ka socotay dowladda iyo Ahlusunna, iyagoona ka wada hadlay dhismaha Galmudug, waxaana Ahlusunna ay u sheegeen in la fuliyo heshiiskii ahaa in 35 Xildhibaan laga siinayo Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAR WA TAAS CULIMADII LA YAQAANAY EE AANU NAQAANAY.
    EHLU SUNNA WAA MUJAAHIDIIN WADO ISKA MARIYEY KOOXIHII CIA,MI6,MOSSAD AY KU SHAQAYSAN JIREEN EE ALSHABABKA,ISIS AHAA.
    EHLU SUNNA GUUL.NOOLAADA.
    RUUG CADAAGII SOO ROGAAL CELI.

DISQUS: