HomeUncategorized

Ahlu-sunna oo sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Caption ...

DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Sabti_12
DHEGEYSO-Xoolo dhaqato horleh oo ku cayroobey gobolka Nugaal.
Madaxweyne Gaas oo Maanta Kormeeray goobo uu kamid yahay xabsiga weyn ee Gaalkacyo

Dhuuso-mareeb, Feb, 27 ? Maamulka Culumaa?udiinka Ahlusunna Waljamiica ayaa sheegay in hawl-galo ay shalay ka sameeyeen gobollada dhexe ay ku dileen sargaal sare oo ka tisanaa ururka Al-shabaab kaasi oo ku magac dheeree Fanax.

Macalin Xuseen Shiikh Axmed oo ka tirsan saraakiisha ugu saraysa culumaa’udiinka Ahlusunna ee gobollada dhexe ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir ku xaqiijiyay inay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen baabuur uu watay sargaalkaasi oo ah nooca dagaalka iyo ragg-kale oo la socday, kuwaasoo ahaa illaaladiisa gaarka ah.

Macalin Xuseen ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ee Ahlusunna ku dileen sargaalkaasi deegaanka Gadoon oo qiyaastii 45 KM u jirta degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Maxamed C/llaahi Cali
?Kooshin? Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: