Agaasimihii hore ee NISA Sanbaloolshe ayaa ku guulaystay kursiga HOP 058.

Agaasimihii hore ee NISA Sanbaloolshe ayaa ku guulaystay kursiga HOP 058.

Agaasimihii hore ee NISA Sanbaloolshe ayaa ku guulaystay kursiga HOP 058.

Cabdillaahi Maxamed Cali ‘Sanbaloolshe’ oo ah agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya ayaa loo doortay mudane golaha shacabka ah, doorasho ka dhacday Beledweyn maanta oo Isniin ah.

Sanbaloolshe, ayaa kursiga HOP 058 kula tartamay 6 musharrax oo kale oo midi ay haweenay ahayd, waxaana uu natiijo fiican keenay wareeggii koowaad ee tartanka, taasoo dhalisay in musharraxiinta kale ay waayaan cod ku dhiirragelin kara wareeg labaad.

Xildhibaanka cusub ee Beledweyn lagu doortay maanta Cabdiaahi Maxamed Cali ‘Sanbaloolshe’ ka sokow in uu soo noqday agaasime hay’adda sirdoonka Qaranka, misna waxaa kale oo uu soo qabtay xilal siyaasadeed iyo kuwo dullamaasiyadeed oo dibedda ah.

Wixii ka dambeeyey markii laga qaaday xilka agaasinka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka, Sanbaloolshe wuxuu ahaa mucaarad mawaaqif cadcad ka leh siyaasadda hoggaamineed ee dawladdii uu ka tirsanaa, isagoo si adagna u dhaliil jiray hoggaaminta madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Inkasta oo Sanbaloolshe loo tiriyo nin aad uga soo horjeeda siyaasadda madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kuna dhiirranaa dhaliilihiisa liidasho, haddana qaybo waaweyn oo ka mid ah waxyaabaha lagu dhaliilo Farmaajo, kama saanla’ayn Sanboolshe, wuxuuna ka ahaa gacanta midig, ama doorka ugu weyn gaar ahaan dhiibistii Cabdikariin Sh Muuse Qalbidhax.

Waa boogta ugu weyn ee danqashadeedu aysan dhammaan marnaba, xilli kastana u cusub sidii maalinkii ay dhacday oo kale, waxaana Sanbaloolshe uu taas kala gudboonyahay madaxdii hoggaanka ka ahayd dawladdii uu ka ahaa taliyaha nabadsugidda, maadaama uu kaalin sare kaga jiray qabashadii Qalbidhagax iyo qorshihii dhiibiddaba.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com