Afhayeenka JWXO (ONLF) Caddaani Hirmooge oo Tuli Guuleed tagey

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Afhayeenka JWXO (ONLF) Caddaani Hirmooge oo Tuli Guuleed tagey

Afhayeenka Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya Caddaani Hirmooge ayaa markii ugu horreysay waxa uu booqasho ku tagay degamada TULI GUULEED ee gobol

Damaca Itoobiya ee Dekadda Saylac?
Liyuu Booliska oo gacanta ku dhigay bastoolado laga keenay Somaliland
Dagmada Goljano ee Gobolka Faafan oo qadka Internedka (Sawirro)

Afhayeenka Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya Caddaani Hirmooge ayaa markii ugu horreysay waxa uu booqasho ku tagay degamada TULI GUULEED ee gobolka FAAFAN. Afhayeen Caddaani oo si diiran loogu soo dhaweeyey deegaanka ayaa asaga oo la hadlaya bulshada Tuli Guuleed waxa uu sheegay in ururku uu xafiis rasmi ah ka furan doono degmada Tuli Guuleed.

Tuliguuleed ayaa Jigjiga u jirta 30 KM, dhanka galbeedkana waxaa ka xiga Jinacsani. Magaalada Jinacsani ayaa hadda si toos ah ugu gacangashay qowmiyadda Oromada, waana magaalo Soomaalida laga barakiciyey. Tuli Guuleed waa magaalo beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan DDS. Laakiin Tuli Guuleed waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyey weerar ku ahaa qowmiyadda Oramada, ayada oo dad badan ku naf waayeen, kuwo badanna laga qaxiyey badanaa degmooyinka hoostaga Tuliguuleed.

Qaxootiga ugu badan ee laga barakiciyey degmooyinka hoosyimaada Tuli Guuleed ayaan weli helin hoy ay ku hoydaan, kuna dhex rafaadsan degmada Tuli Guuleed, meesha barakacayaasha magaalooyinka Balbaleyti iyo Jinacsani oo  hore maleeshiyaadka QEEROO ee Oramadu ay Soomaalida ugala wareegeen ay qaxootiga ku yihiin xerada weyn ee qaxootiga ee Qalooji, kuna taal bartamaha Jigjiga iyo Harar.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: