Afhayeenka Cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir oo la magacaabay

Afhayeenka Cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir oo la magacaabay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu magacaabay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ahna Agaasimaha Warbaahinta Gobolka Banaadir loogu Magacaabay Saalax Xasan cumar.

Wareegtada ayaa waxaa la ogeysiiyey dhammaan guddoomiyeyaasha 17 degmo ee Gobolka Banaadir iyo masuuliyinta kale ee Maamulka Gobolka Banaadir

Afhayeenka Cusub ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay u ahaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Maamulka G/Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com