HomeUncategorized

Afgooye oo kusoo laabatay gacanta ciidanka Dowladda Soomaaliya

Afgooye, 19, Oct, 2016 - Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyoodey kadib markii dagaalyahanada al-Shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen xarunta Booliska ee degmada Afgooye. Dadka geeriyoodey waxaa kamid ah saraakiil ka tirsanaa ciidanka Milteriga kuwaas oo Saldhigga ku sugnaa xiliga weerarku dhacaayey.

Ciidanka Sierra-Leone ee Kismaayo jooga Oo maanta Qarax lala eegtay iyo howgalo amni oo bilowday
Soomaaliland oo qaadacday go’aankii shirka madasha.
Qaxootiga dhadhaab oo ka digay macaluul xili hay?adaha gargaarku dhimayaan raashinka la siiyo
Afgooye, 19, Oct, 2016 – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyoodey kadib markii dagaalyahanada al-Shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen xarunta Booliska ee degmada Afgooye. Dadka geeriyoodey waxaa kamid ah saraakiil ka tirsanaa ciidanka Milteriga kuwaas oo Saldhigga ku sugnaa xiliga weerarku dhacaayey.
 
Kabtan Cabdullaahi Cali oo ka tirsan ciidanka Miletriga ayaa AP u sheegay in ciidanka Dowladdu ay hadda si buuxda u maamulayaan Afgooye,  al-Shabaabna ay magaalada isaga baxeen.
 
Al-Shabaab waxay sheegtey in ay weerarka ku dileen gu yaraan 30 askeri, waxay sheegteen in ay galeen Saldhigga degmada, xarunta maamulka degmada iyo goobo kale oo muhim ah.
 
Weerarka al-shabaab ayaa u muuqdey mid ahaa waxa loo yaqaan “Ilko Doofaar sahansan”, waxaana ay ku gubeen gawaari kuwo kalena waa kaxaysteen sidoo kale waxay Afgooye ka qaateen sahay ciidan.
 
Weeraro caynkan oo kale ah ayey marar badan al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Shabeelada Hoose, kaas oo ay hub iyo gawaari ka heleen ciidanka Dowladda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: