Afgambi Milatari oo ka dhacay dalka Myanmar

HomeWararka

Afgambi Milatari oo ka dhacay dalka Myanmar

Wararka ka imanaya dalka Myanmar oo hore loo oran jirey Burma ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ay la wareegeen talada dalkaas. Sarkaal u hadla

Ciidamada Amniga gobolka Gardafuu soo qabtay Doonyo si sharci daro ah u kaluumaysanayay (Sawirro)
La-Kulankaygii Sheekh Mukhtaar Roobow iyo Wixii Aan Kala Kulmay Isaga iyo Alshabaab
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhallo, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wararka ka imanaya dalka Myanmar oo hore loo oran jirey Burma ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ay la wareegeen talada dalkaas.

Sarkaal u hadlay Milatari ayaa sheegay in ciidamada ay xukunka hayn doonaan muddo sanad ah. Hoggaamiyaha xisbiga haya talada dalka Myanmar ee National League for Democracy (NLD) Aung San Suu Kyi, oo ah , ayaa la xiray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xisbiga.

Afhayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Ms Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka.

Afgambigan ayaa yimid kadib muran ka dhashay doorashadii ka dhacday dalka Myanmar bishii November ee sanadkii hore.

Xisbiga NLD, ayaa kuraasta baarlamaanka dalkaas ka helay in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumadda bisha November, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.

Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo maalinta Isniinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: