Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Masar

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Masar

Booliska dalka Masar ayaa xaqiijiyey geerida sagaal qof, ka dib shil gaari oo ka dhacay gobolka Soohaaj ee koonfurta wadankaasi.

War qoraal ah oo ay soo saareen Boolisku ayey ku sheegeen in shilkani dhacay saacadihii dambe ee shalay, ayna ku dhinteen sagaal qof,halka sidookale uu dhaawac ka soo gaaya 10 qof ookale kuwaas oo loo qaaday dhaawacooda isbitaaladii ka gobolka

Shilalka noocan ah ayaa aad ugu soo badanaya dalka Masar iyadoo taasina loo aanaynayo burburka wadooyinka iyo fulin la’aanta sharciyada wadooyinka Soohaaj.

Xarunta dhexe ee tirakoobka guud ee dowlada Masar ayaa shaacisay in 8000 (sideed kun) oo dhacdooyin shil gaari ah la diiwaangeliyey sanandkii 2018-dii, kuwaas oo galaaftay nolosha in kabadan 3000 (sadex kun) oo qof, iyo dhaawaca 1000 (kun) qof oo kale.
Diiwaanka wararka.
Radio Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com