Ayatulaah Cali Khaamani  oo soo dhaweeyay go’aankii dowladda

HomeWararka

Ayatulaah Cali Khaamani oo soo dhaweeyay go’aankii dowladda

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyada Iiraan Ayatulaah Cali Khaamani ayaa sheegay in uu taageerayo go'aanka lagu kordhiyey sicirka Bansinka, kaas oo

Muuse Biixi:“ Socdaalkayaga Sool Waa Nabad iyo Midnimo” (dhegayso)
Jarmalka oo Maxkamadaynaya Muwaadin Soomaali ah
Cabdi Qeybdiid oo dhaliilay siyaasada dowlada federalka ee Amniga

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyada Iiraan Ayatulaah Cali Khaamani ayaa sheegay in uu taageerayo go’aanka lagu kordhiyey sicirka Bansinka, kaas oo qalalaaso ka dhaliyey gudaha wadanka Iiraan.
Khamani ayaa carrabka ku adkeeyey in la fuliyo go’aankan, waxana uu ku booriyey masuuliyiinka ku shaqada leh in ay arintaan u maareeyaan si qoto dheer isla markaana aan dhib uu keenayn muwaadiniinta.

Khamani ayaa u arka qalalaahasa socda in ay gadaal ka riixayaana cadowga waxa uu yiri: “go’aankan waxa uu dad badan ku abuuray welwel, laakiin qaska iyo qalalaasaha socda waa mid ay ka dambeeyaan dad shar wadayaal ah ee ma aha shacabkeena, kacdoonada ka dhanka ah dowlada Iiraan iyo cadowgeenuba waa kuwo mar walba garab siinaya burburka, foodada, iyo ku xadgudubka sharciga, weyna sii wadayaan ficiladoodaas”.

Khamani oo la hadlayeyTelifishanka Iiran ayaa sidoo kale sheegay, in aanu ahayn Khabiir, ayna jiraan fikiro kala duwan, balse uu isagu taageerayo go’aanka ay gaaraan sadexda haayadooda ee ugu sareysa wadanka.

Hadalakan Khaamani ayaa yimid ka dib go’aan jimcihii ay soo saareen gudiga dib u habeynta dhaqaalaha kaaso oo ka kooban madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo gudoomiyaha Maxkamada garsoorka.

Go’aankan ayaa dhaliyey muran horleh isla markaasna horseeday banaanbaxyo rabshado wata oo ilaa jimcihii ka socday guud ahaan wadanka iiraan.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir Boosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: