Tuulada Geellaa ee Tuli oo weerar lala beegsaday dadna lagu dhaawacay

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Tuulada Geellaa ee Tuli oo weerar lala beegsaday dadna lagu dhaawacay

Tuulada GEELLAA oo hoostimaada degmada TULIGUULEED waxaa maanta lala beegsaday weerar, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay wiil iyo gabadh shacab ah.

Jigjiga oo ku hawlan kahortagga Coronavirus iyo socodkii oo yaraaday
Ururka dhalinta TUBSAN oo raashin gaadhsiiyey qabalaha DAARIMI ee degmada Tuli Guuleed
Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo COVID-19

Tuulada GEELLAA oo hoostimaada degmada TULIGUULEED waxaa maanta lala beegsaday weerar, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay wiil iyo gabadh shacab ah.

Geellaa waxa ay hostimaadaa Tuliguuleed waxaa se iminka la wareegay oo deggan shacab Oromo ah oo ay soo dajiyeen ciidamada milatariga federaalka Itoobiya. Geellaa waxa ay 3KM dhanka galbeedka ka jirtaa degmada Tuliguuleed.

Shacabka maanta weerarka lala beegsaday, qaarna lagu dhaawacay ayaa ah kuwii hore looga barakiciyey tuulada GEELLAA iyo degmada JINACSANI oo ay hadda Oromodu si toos ah ula wareegtay.

Odayaasha Tuli ayaa maamulka Jigjiga ku eedeeyey in ay qayb ka yihiin dhibka lagu hayo deegaanka Tuli iyo Jinacsani. Hoos ka daawo shir jaraa’id oo ay maanta Jigjiga ku qabteen.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: