Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf uu u Sameeyey Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Turkiga.

HomeWararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf uu u Sameeyey Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Turkiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa ka qayb galay hadimo sharafeed casho ah oo uu ku martiqaaday Sa

BLUE REVOLUTION IN BORAMA as Somaliland occupation forces shoot to kill
In kabadan 100 Qoys oo raashin loogu qaybiyeey Maanta Boosaaso
Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo ka hadlay dilaal kadhacay Gaalkacyo (dhegayso)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa ka qayb galay hadimo sharafeed casho ah oo uu ku martiqaaday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdilaahi Maxamed (Caydiid).

Kulanka cashada ah ayaa waxaa qayb ka ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, hadana ah ergayga gaarka ah ee Soomaaliya Olgan Baker iyo Madaxa waaxda Africa u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Debedda Turkiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka mahadnaqay casho sharafta uu ku maamuusay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga isaga iyo masuuliyiinta kale ee ka qayb gashay cashadaasi, waxaana uu ku bogaadiyey shaqada uu u hayo shacabka Soomaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safaro shaqo ku tegey qaar ka mid ah wadamada Yurub iyo Turkiga oo uu hadda ku sugan yahay, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadandoonaa mudada uu joogo Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ee ku sugan dalkaasi.

Diwaanka
Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: