Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo ka hadlay dilaal kadhacay Gaalkacyo (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo ka hadlay dilaal kadhacay Gaalkacyo (dhegayso)

Magaaladda Gaalkacyo maalmiihii u dambeyey waxaa kadhacayeey dilaal kala duwan oo loo geysanayeey dad shacab ah iyo ganacsato,iyado laamaha amaanka iyo gobalka Mudug dilaalkaas siyaabo kala duwan uga hadleen.

Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa fah faahiyeey dilaalkii kadhacay Gaalkcyo,iyo dilaal ay geeysteen dad burcad ah oo xiliyadda habeenkii ah shacabka ku dhibaateeya Magaaladda Gaalkcyo.

Abgaalow ayaa sheegay in dilaalkii Todobaadkan kadhacay Gaalkacyo dad loo qabtay,isla markaana Ciidamadda amaanka ay ku raadjogan dad kale oo lagu tuumayo dilaal kadhacay Gaalkacyo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobalka Mudug Xasan maxamed Khaliif ayaa shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay dadka la baxsadda Canshuurta dowladda,isago sheegay in talaabo addag laga qaadi doono dadkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com