Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Ruushka

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Ruushka

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha

Sidee looga ciiday maanta Magaaladda Muqdisho
Qoysas danyar ah oo raashin loogu qaybiyeey Caabudwaaq (dhegayso)
Sadex Wiil oo walaalo ah oo lagu dilay hoygooda oo ku yaala Muqdisho

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka .

Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: