Sadex Wiil oo walaalo ah oo lagu dilay hoygooda oo ku yaala Muqdisho

Nin hubaysan oo ku labisan dharka ciidamada Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa xalay toogasho ugu gaystay magaalada Muqdisho sadex ruux oo walaalo ah oo hal goob ku wada sugnaa.

Dilka ayaa kadhacay xaafad ku taala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana dilka qofka gaystay la sheegay inuu ahaa ehelada dadka uu dilay.

Magacyada marxuumiinta geeriyooday ayaa lagu sheegay Cabdullaahi Jeyte,Xasan Jeyte iyo Xuseen Jeyte.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dilka uu la xiriiro muran dhuleed oo dhaxal ah oo uu ka geeriyooday wiilasha geeriyooday waalidkooda, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax baaritaan ah oo lagu soo qabtay gacan ku dhiig laha weerarka gaystay.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com