Sidee looga ciiday maanta Magaaladda Muqdisho

HomeWararka

Sidee looga ciiday maanta Magaaladda Muqdisho

Dadweyne fara-badan ayaa Salaadda Ciidda ku oogay Masaajidka weyn ee deegaanka Daarusalaam, ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka

Arragtida shacabka Puntland ee Shilaalka Gadiid ee Puntland kadhaca (dhegayso)
MAANHADAL: Wadahadalada madaxdda dowladda faderaalka iyo madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada (dhegayso|daawo)
Maxaa kasoo baxay Kulamadii Madaxweyne Xasan sheekh uu kawadday dalka Maraykanka?

Dadweyne fara-badan ayaa Salaadda Ciidda ku oogay Masaajidka weyn ee deegaanka Daarusalaam, ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dadweynaha reer Muqdisho oo markii dambe isugu tagay Beerta Daarusalaam ayaa isugu hambalyeynayay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, oo maanta si isu mida looga wada ciidaayo geyiga Soomaalida.

Maamulka xaafadda Daarusalaam ayaa dhawaan qalab cusub ku soo kordhiyay goobta ay carruurta ku cayaaraan, sidoo kalana waxaa la keenay ugaar kala duwan, oo loogu talagalay inay dadka u soo daawasho taggaan.

Maanta oo kale waalidiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ubadkooda u damaashaad geeya xaafadda Daarusalaam, si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Ciidda Carafo ayaa ah Ciidda labaad ee Islaamka uu leeyahay, marka laga soo taggo Ciidul Fitriga, waxayna umadda Soomaaliyeed isu rajeeyeen in sanadkan midka xigga uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, nabad iyo caano.

Waa kuwaan qaar ka mid ah bulsha usoo damaashaad tagay daaru-salaam oo la hadlay warbaahinta qaranka.

Deegaanka Daarusaam waxaa maalgaliyay ganacsato Soomaaliyeed isla markaana waxaa dhismahaan quruxda badan dhisay Shirkadda Dhismaha Buruuj.

Ciidaan Carafo ayaa ka duwan Ciidul Fitrigii hore, marka loo eego sida ay isugu baxeen dadweynaha maadaama hoos u dhac laga dareemaya cudurka safmarka ee covid-19 oo saameyn ku yeeshay dalka, sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in la qafiifinayo xayiraadaha kala duwan ee saarna dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: