Baarlamaanka Soomaaliya  oo diyaarinaya Mooshin ka dhan ah ciidamada kenya

HomeWararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo diyaarinaya Mooshin ka dhan ah ciidamada kenya

Warar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu socdo qorshaha Mooshin ka dhan ka ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ee lagu horge

MUQDISHO: DAAHFURKA WAJIGA 2AAD EE TALAALKA COVID-19 (WARBIXIN)
Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Wasiir Dhabancad:“ Agabka maanta Garowe diyaaradu ka dejisey waxaa keenta UNHCR ”

Warar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu socdo qorshaha Mooshin ka dhan ka ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ee lagu horgeeynayo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinkan ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada la horgeeyo kulanka Koowaad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka,kaasi oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in Mooshinka ay ku doonayaan in gudaha dalka Soomaaliya ay uga saaran Ciidamada Kenya ee,isla markaana ka saaraan kamid ahaanshaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Mooshinkan ka dhan Ciidamada Kenya ay ku saxiixan yihiin Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan yeedan doona kulanka 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad Golaha Shacabka,kaasi oo uu si rasmi ah u furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana Xildhibaanada horyaalla Ajendayaasl dhowr ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: