Guddoomiyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo baydhabo tagay (Sawiro)

HomeWararka

Guddoomiyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo baydhabo tagay (Sawiro)

Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa tagay Maanta Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya i

AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo Maanta Ka Baxay Deegaanka Leego
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Duqeyn ka dhacday deegaanka Cameyra ee gobolka Bari

Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa tagay Maanta Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen,guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Maamulka Koofur-Galbeed,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: