Qarax miino oo lala eegtay ciidamo AMISOM  ka tirsan

HomeWararka

Qarax miino oo lala eegtay ciidamo AMISOM ka tirsan

Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa saaka qarax miino lagula eegtay agagaarka Isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, halkaasoo ay marayeen, iyadoo warar

Odayasha dhaqanka & culumada degmada Doolow ee Gobalka Gedo oo soo dhaweyey Madaxweyne Xasan sheekh (Daawo)
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho gaaray
Askari dilay nin Mooto Bajaajle ah oo Xukun lagu riday

Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa saaka qarax miino lagula eegtay agagaarka Isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, halkaasoo ay marayeen, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa kaddib la maqlay rasaas fara badna oo ay fureen Ciidamada AMISOM.

Ugu yaraan labo ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxa oo ka ag-dhowaa goobta, waxaana la ogeyn khasaaraha soo gaaray Ciidamada AMISOM.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa lagu kala cararay, waxaana durba goobta gaaray Ciidamo kale oo AMISOM oo u gurmaday ciidanka la qarxiyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: