Askari dilay nin Mooto Bajaajle ah oo Xukun lagu riday

Askari dilay nin Mooto Bajaajle ah oo Xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari dil u gaystay  nin Mooto Bajaajle ah oo marayey Iskooska Tarabuunka ee degmada Hodan  ee gobolka Banaadir .

Askariga dilka gaystay oo lagu magacaabo Cali Maxamud  Axmed oo kamid ah ciidamada Booliska Soomaaliyeed .

Xiligan ay kusoo badanayaan Magaalada Muqdisho dilalka loo gaysanayo  dareewalada Mooto Bajaajlayda ah ,8 Bishaan ayey ahayd markii uu dilka u gaystay Marxuum  C/risaaq Yuusuf Guure  oo waday Mooto Bajaaj.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sidda ayaa Go’aankeeda ku sheegtay inuu Racfaan qaadan karo  Cali Maxamuud Axmed oo ah Askariga dilka gaystay .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com