Nairobi arday ku geeriyootay Iskuul ku soo dumay

Nairobi arday ku geeriyootay Iskuul ku soo dumay

Inku dhow toban carruur ah ayaa ku dhimatay konton kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo markii uu ku soo dumay mid kamid ah qolalka ay ardeyda wax ku bartaan, Iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Taliyaha booliska Nairobi George Sed iyo xildhibaan laga soo doorto deegaanka ayaa xaqiijiiyay dhimashada carruurta wax ka dhiganeysay Iskuulka Precious Talent School.
Dhismaha waxaa uu ka sameysnaa alwaax iyo Jiingad, wuxuu shilka dhacay subaxnimadii saaka.

Maamulha Iskuulka, Moses Wainaina ayaa telefishinka Citizen uu sheegay in burburka ku yimid fasalka loo aaneynayaa dhismo ku socday bulaacad halkaas marto.

Carruurta wax ka dhiganeysay Iskuulka ayaa u cararay degmada Dagoretti ee galbeedka magaalada Nairobi markii uu shilka dhacay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com