FOA oo ka digtay xaalad Cunno yari oo ku soo wajahan Soomaaliya

HomeWararka

FOA oo ka digtay xaalad Cunno yari oo ku soo wajahan Soomaaliya

Hay’adda cuntada iyo beeraha aduunka ee FAO ayaa ku dhawaaqday in dalagga soomaaliya ka soo go’a sanadkaan uu aad uga liito sanadihii la soo dhaafay e

AMISOM oo Bannaynaysa Waddada Iskuxidha Baydhabo iyo Xamar (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland.

Hay’adda cuntada iyo beeraha aduunka ee FAO ayaa ku dhawaaqday in dalagga soomaaliya ka soo go’a sanadkaan uu aad uga liito sanadihii la soo dhaafay ee laga soo bilaabo 2011, waxaana saamayn wayn ku yeeshay isbadallada cimilada Caalamka.

FAO ayaa intaasi raacisay in dib u dhaca roobabka xilliga gu’ga oo ka mid ah waqtiyada ugu wanaagsan ee la beerto gallayda iyo guridda wabiyada ay sabab u noqotay hoos u dhaca wax soo saarka dalagga 70% deegaanada qaarkood.

Warbixin ku saabsan falanqaynta badqabka raashinka iyo quudinta oo ay soo saarto hay’adda cunada iyo beeraha aduunka ee FAO ayaa lagu sheegay in inka badan labo malyan oo Soomaali ah ay aad ugu baahanyihiin kaalmooyin dhanka raashinka ah oo deg deg ah.

Qaramada Midoobay oo tusaale u soo qaadatay warbixintaan soo baxday sanadkan 2019, iyadoo ay maqan tahay kaalmooyinka bini’aadaninmada, xilli labo milyan iyo boqol kun oo qof oo ku nool soomaaliya ay wajahayaan duruufo nololeed bisha December ee sanadkaan,sida ku cad warbixinta, tirada guud ee wajahayo abaaraha waxa ay gaarayaan ilaa 6 milyan iyo sedax boqol oo kun dhamaadka sanaadkaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: