Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay askari dilay saddex qof oo walaalo ah

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay askari dilay saddex qof oo walaalo ah

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaasoo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah.
Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa muddo sanad ahaa baxsad, waxaana la soo xiray bishii 7-da June ee sanadkan 2019, waxaa loo heystaa inuu dilay saddex walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo C/llaahi Axmed abuukar.

Dilka loo heysto Askarigan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan bishii June 2018, waxaana la sheegay in sababta uu saddexdan walaalo u dilay ay ka dambeysay is qabqabsi dhinaca dhulka ah oo ka dhaxeeyay.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu nolosha dhaafiyay, isagoo miir qaba saddex walaalo ah oo aan midkoodna hubeysneyn, sidoo kale eedeysanaha uu ka baxay Afisyooni, ugana tagay marxuumiinta uu dilay duleedka degmada Kaaraan, halkaasoo uu ku dilay saddexda qof ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Go’aanka Maxkamadda ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com