Ra’iisul Wasaare khayre oo kormeeray Saldhigga Booliiska Iyo Xarumaha Ciidamada Danab iyo nabad-sugiddu ay uga Suganyihiin Dhuusamareeb

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare khayre oo kormeeray Saldhigga Booliiska Iyo Xarumaha Ciidamada Danab iyo nabad-sugiddu ay uga Suganyihiin Dhuusamareeb

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciid

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ciidamada Itoobiya & Xoogaga TPLF
Madaxweynaha Hirshabeelle oo La Kulmay Gudiga Xuduudaha Heer Federal.
Hooyo Wilkeeda uu Haysto Magafe oo Codsi u dirtay Shacabka Somaliyeed (dheagayso)

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: