Taliska Mareykanka ee Afrika oo war ka soo saaray duqeyn cusub oo ka dhacday Jilib

HomeWararka

Taliska Mareykanka ee Afrika oo war ka soo saaray duqeyn cusub oo ka dhacday Jilib

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen maalintii shalay aheyd duleedka degmada Jilib ee Go

GUMBAX: Ayax raxanraxan usocda oo ku dagay Beerihii, Dhul daaqsimeedkii iyo Ceelashii Biyaha (daawo)
Taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla“ Ciise Tarabuun miyaa maanta dood lagakeenay inuu Alshabab yahay?
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen maalintii shalay aheyd duleedka degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

War uu soo saaray Talisku ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana duqeynta aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah.

Lama sheegin magaca shaqsiga lagu dilay bartilmaameedka weerarka ka dhacay duleedka degmada Jilib.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo hakiyo howlaha iyo dhaq dhaqaaqa argagixisada, isla markaana lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, si dib loo soo celiyo xasilloonida Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: