Shirkii Dib u heshisinta Galmudug oo maanta furmaya

Shirkii Dib u heshisinta Galmudug oo maanta furmaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah in uu Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug uu ka furo Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

Magalada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan dhamaan Ergada ka qeyb-galeysa Shirka,iyada oo shalay ergadii ugu dambeysay oo ka timid deegaanka xeraale ay halkaasi gaareen,waxana jirtay in shirkaasi tira laba jeer ah uu dib u dhacay.

Mudo ka badan Bil iyo Bar ayaa Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ay ku mashquul sanaayeen isku keenida Ergada ka qeyb-galeysa Shirka dib u heshiisiinta,waxaana xusid mudan in Matalayaasha Beesha degta Magalada Cadaado ay shirkaasi diideen, iyada oo ay xusid mudan tahay in Xubno matalaya laga qaaday Magalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ayaa horay u sheegay in Shirkaasi looga hadli doono ,sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay,doorka ay dowladda Federaalka ku yeelaneyso dhismahaas iyo qodobo kale.

Amaanka ayaa si weyn lo adkeyeey iyado ciidamadda Itoobiya iyo Kuwa dowladda iska kaashanayaan sugida Amniga goobta shirka uu ka furmayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com