Muxuu Madaxweyne Mustafe Cagjar ka qabtay duullaanka xiriirka ah ee Oromadu  ku hayso Soomaalida Tulliguuleed iyo Qollaji ? (dhegayso)

HomeWararka

Muxuu Madaxweyne Mustafe Cagjar ka qabtay duullaanka xiriirka ah ee Oromadu ku hayso Soomaalida Tulliguuleed iyo Qollaji ? (dhegayso)

Dadka Somalida ah ee Oromadu soo barakicisay ee ku dhaqan deegaanada Tulliguuleed iyo Qollaji ee duleedka magaalada Jigjiga ee DDS ayaa sheegay in ay

Xulashada Daljir iyo Axmed Xuseen Cabdulqaadir Sheekeey (dhegayso)
Xubinta Ciyaaraha: Maxay muhiim kuugu tahay nolasha N’Golo Kanté ? ( Warbixin)
Bisha Ramadaan iyo sida muslimiintu uga fa ‘idaysan karaan (dhegayso)

Dadka Somalida ah ee Oromadu soo barakicisay ee ku dhaqan deegaanada Tulliguuleed iyo Qollaji ee duleedka magaalada Jigjiga ee DDS ayaa sheegay in ay wali wajahayaan duullaamo xiriir ah oo kaga imaanaya malleeshiyaadka Oromada ee dhul doonka ah iyo in sidoo kale loo diiday inay dib ugu noqdaan dhulkoodii Oromadu kasoo barakicisey.

Dhanka kalana darawalada tagaasida ee ka shaqeeya magaalada Jigjiga ee xarunta DDS ayaa ka cabanaya in shaqadii ay ka boobeen tagaasi laga leeyahay gobolada Oromada iyo Amxaarada, taas baddalkeedana aan iyaga loo ogoleyn inay dhulka Oromada iyo Amxaarada u shaqo tagaan.

Hadaba Maxamed Daahir Astur oo wakhti dheer ka mid ahaa golaha Dhexe ee Jabhadda ONLF marna kasoo mid noqday maamulka DDS ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay arrimahaas kore, isagoo Madaxweyne Mustafe Cagjarna ku eedeeyey inuu raalligalinayo maamulka Oromada, halkii ay ahayd inuu raalligaliyo dadka DDS.

Maxamed Astur oo deggan dalka Sweden ayaa khadka telefoonka ugu warramay Axmed Sh. Maxamed “Tallman” oo ku sugan studiyaha Daljir ee Garowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: