Ergay ka qayb galaysa Shirka dhuusamareeb oo soo dhaweyn lo sameyeey.(Daawo)

HomeWararka

Ergay ka qayb galaysa Shirka dhuusamareeb oo soo dhaweyn lo sameyeey.(Daawo)

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaa

TALOKEEN: Taloooyinka ku saabsan nidaamka Asxaabta badan ee Puntland & siday ku hirgali karaan (dhegayso)
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lakulmay Boqorka Wadanka Jordan.
Dowrka Qurbajoogta Puntland iyo horumarinta Waxbarashada (daawo)

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug.

Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug.

Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa u rajeeyay in ay qaybta uga aadan ka qaadan doonaan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furamaya magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug si loo laba jibbaaro shaqada balaaran ee horumarka deegaanka lagu baadi goobayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: