Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lakulmay Boqorka Wadanka Jordan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay Boqorka Jordan Boqor Cabdalla-ha Labaad, kulankan ayaa dhacay, kaddib markii uu soo dhamaaday shir madaxeedkii Carbeed oo looga hadlay arrimaha Bariga Dhexe, sida Falastiin, Suuriya, Ciraaq iyo la dagaalanka Argagixisada.

Boqorka Jordan ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Farmaajo, isagoo balan qaaday in Boqortooyada Haashimiga ah ee Jordan si dhow ula shaqeyneyso dowladda cusub ee Soomaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay Boqorka, waxaana uu xusay in Jordan iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo cilaaqaad soo jireen ka dhaxeeyo.

Labada Mas’uul ayaa isla qaatay sidii loo joogteyn lahaa xiriirka saaxibtinimo ee labada dal, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in Boqortooyada Jordan ka qeyb qaadato arrimaha gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedka Carbeed, isagoo ka hadlay caqabadaha xilligan ka jira Dunida Carabta, iyo sida lagama maarmaan u tahay in caqabadahaas looga gudbo midnimo.

Shir madaxeedka Carbeed ayaa lagu soo hadal qaadin xaalada Soomaaliya, iyadoo ajandayaasha ugu waa weyn ay tahay arrimaha bariga dhexe, colaada Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo Carabta ay tilmaameen in Falastiin oo noqoto dowlad ay sahli doonto in nabad iyo xasilooni ka dhalata Bariga Dhexe.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com