Jubbaland oo ku dhawaaqday inay xayiraadii ka qaaday Golaha Wasiirada Soomaaliya.(Daawo)

Jubbaland oo ku dhawaaqday inay xayiraadii ka qaaday Golaha Wasiirada Soomaaliya.(Daawo)

Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa maanta qaaday xayiraadii saarneyd Mas’uuliyiinta Xukuumadda Soomaaliya, intii lagu guda jiray doorashada Jubbaland.

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo saaray in la qaado xayiraada la saaray Mas’uuliyiinta Xukuumadda ee ku aadanaa in aanay magaalada Kismaayo imaan karin mudadii ay socotay doorashada.

Maamulka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana mudadii ay socotay doorashada la joojiyay isu socodka badda, cirka iyo dhulka oo magaalada laga xiray.

Khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sabab u noqday inuu hakad ku yimaado wada shaqeyntii labada dhinac, taasoo keentay in laga mamnuuco Kismaayo Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay aqoonsaneyn doorashadii dhowaan ka dhacday Kismaayo oo ay ku tilmaamay in Madaxweynayaal is caleema saaray iyo in aan nidaamka doorashooyinka ka dhacay Kismaayo loo marin habraacii saxda ahaa.

Hoos ka daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com