Dhex dhexaadin laga dhex bilaabay Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinti ka soo horjeeday

HomeWararka

Dhex dhexaadin laga dhex bilaabay Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinti ka soo horjeeday

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wada hadalo la bilaabay qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka soo horjeeday dib u doorashadiisa, isagoo xa

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Kala shakiga Xerada Xalane ka taagan iyo Dareenka Shacabka Muqdisho
Nin kufsi iyo dil isugu daray Gabar oo lagu toogtay Garbahaarey (Daawo)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wada hadalo la bilaabay qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka soo horjeeday dib u doorashadiisa, isagoo xalay aqalka Madaxtooyada ku qaabilay labo ka mid ah Musharaxiinta is bedel doonka ahaa.

Axmed Madoobe ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo C/qaadir C/raxmaan Khaliif oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka aragtida duwanaa xilligii doorashada.

Mr Madoobe ayaa labadan xubnood ka dhageystay aragtidooda la xiriirta sidii horay loogu sii socon lahaa, loona xoojin lahaa Midnimada iyo nabadgelyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa balan qaaday inuu albaabada u furayo dhamaan dadka ka ra’yi duwan maamulkiisa, si meesha looga saaro kala aragti duwanaanta, loona gaaro dib u heshiisiin

Dhinaca kale waxaa socda dadaalo ay wadaan odayaal iyo siyaasiyiin oo ku aadan sidii la isugu keeni lahaa Axmed Madoobe iyo xubnaha kale ee maalmo ka hor kaga dhawaaqay Kismaayo in la doortay Madaxweynaha Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: