Xaaladda Galmudug oo war cusub laga soo saaray

Xaaladda Galmudug oo war cusub laga soo saaray

Qoraal kasoo baxay Xisbiyada Wadajir, Ilays, Horusocod Qaran iyo Xisbiga Nabadda ayaa waxaa ay kaga hadleen xaalada Siyaasadeed iyo tan Amni ee deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qoraalka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaalada Galmudug,isla markaana Ciidamada faraha badan oo ay geysay dowladda Federaalka ay fursad siinkarto waxa loogu yeero Aragaxisada.

Waxaa ay sheegeen Xisbiyada in Magalada dhuusamareeb ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu Ammaanka wanagsan Soomaaliya,waxaana Madaxda Dowladda Federaalka ay ka dalbadeen inay dhaqan-geliso heshiiskii ay la gashay Ahlusunna si wax walba u hagaagaan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa xaalado kala duwan laga soo sheegayay Magalada Dhuusamareeb,kadib kala aragti duwanaan soo kala dhex-gashay Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna,sidoo kalena Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan geysay Magalada Dhuusamareeb.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay soo saareen Xisbiyada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com