Ciidamadda kenya oo burburiyey xarunta shirkadda Hormuud ee Gobolka Gedo.

HomeWararka

Ciidamadda kenya oo burburiyey xarunta shirkadda Hormuud ee Gobolka Gedo.

Iyadoo ay weli socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Ciidan

Somaali qaad siday oo lagu Xiray india
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Warka Caweysin iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Iyadoo ay weli socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cowsqurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bas beelay Dhismihii Shirkadda iyo qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Links, 2 Motors, Tower iyo Agabkii kale ee shirkadda yiilay.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay isgaarsiin la’aani heysataa bulshada ku nool Deegaanka Cowsqurun iyo Tuulooyinka ku hareereysan.

Kuxigeenka Madaxa xiriirka guud ee shirkadda Hormuud Yaasiin Xasan Yuusuf ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: