Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo Hambalyo udiray madaxweyne Axmed Madoobe

HomeWararka

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo Hambalyo udiray madaxweyne Axmed Madoobe

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe, isagoo u rajjeeyay in

#Martisoor | Abuukate Sakariye Yuusuf, sharciyaqaan muddo ka soo shaqeeyey arrimaha garsoorka
Qarax ka dhacay Muqdisho
Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe, isagoo u rajjeeyay inuu Alle kula garab galo.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe, Waxaan leeyahay xilka Ilaahey ha kula garab galo. Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo una dhammeystiro baahidooda ay ugu horreyso Amniga”ayuu yiri Xasan Sheekh qoraal kooban uu bartiisa Facebook ku soo qoray.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa isna hambalyo u diray Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Waxaan ka rajeynayaa in muddada afarta sana ee la doortey inuu wax badan ka qabto horumarka deegaanka, uuna mudnaanta koowaad siiyo Amniga iyo dib udhiska Jubaland”ayuu yiri Sheekh Shariif.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: