Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxa ay Faah faahindheeraad ah ay ka soo baxaya gaari goor dhoweyd ku qarxay agagaarka Isgoyska mashquulka badan 14 October Ex Zoobe, halkaasoo markii uu qaraxa dhacay lagu kala cararay.

Gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaano Surf ayaa lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana xilliga gaariga qarxayay uu yaalay afaafka hore ee Hotelka Safaari.

Wararka ayaa sheegaya in qofkii gaariga watay uu ka badbaaday qaraxa loogu xiray, isagoo gaariga ka degay ka hor inta aanu qarxin.

Qof haweeney oo ka ag dhoweyd goobta ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxa, iyadoo markii qaraxa dhacay ay goobta tageen ciidamada ammaanka, waxaana la damiyay dabkii ka kacay gaariga ee ka dhashay qaraxa.

Qaraxan ayaa ah kii u horeeyay ee muddo bil ka dhaca Muqdisho, iyadoo muddooyinkan ay yaraadeen qaraxyada gaadiidka lagu xiro, kaddib markii ciidamada amniga u soo qabteen dad dhowr ah oo gaadiidka qaraxyo ku xira.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com