Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Uguyaraan 10 ayaa ku dhimatay tiro kalen waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goor dhawayad waddada Maka-almukarama ee magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa ka dhashay gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday maqaayad ku taalay waddada Maka-almukarama oo ay ka cunteen jireen ciidamad dowladda iyo shaqaalaha kala duwan ee dowladda .

Waddadan ayaa ah waddooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaan sidookale bur bux laxaadleh uu soo gaaray goobo ganacsi oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada dowladda ayaa goobta soo gaaray waxaan socda gurmadka loo fidinayo dadkii wax ku noqday qaraxa.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii udambeeyay waxa uu ahaa mid faraha ka sii baxayay,waxaan tusbax afka laga furay noqday qaraxyada ay fulinayaan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com