Maamulka jubbaland oo ku dhawaaqday in Kismaayo laga xiray Cir, Dhul iyo Badba

HomeWararka

Maamulka jubbaland oo ku dhawaaqday in Kismaayo laga xiray Cir, Dhul iyo Badba

Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiir dhanka Amniga magaalada Kismaayo inta lagu guda jiro doora

Xarigjarka Dekedda Garacad & farriinta Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumad Cumar
Beesha Caalamka oo Amaro Culus duldhigtay Madaxda DFS & Maamul gobaleedyada (Akhriso)
Garoowe: Ciidanka Daraawiishta Xerada 54aad oo Mushahar La’aan ka Cabanaya (dhegayso)

Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiir dhanka Amniga magaalada Kismaayo inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo Guddiga Amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 20-ka bisha Agosto in laga xiray Kismaayo xuduudaheeda sida Badda, Cirka, Badda iyo Dhulka, iyadoo aan magaalada la geli karin inta lagu guda jiro doorashada.

Sidoo kale waxaa heegan buuxa la geliyay Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ka howlgala Kismaayo, sidoo kale waxaa la xadiday dhaq dhaqaaq kasta oo ciidan ah, iyadoo maalinta doorashada dhaceyso la ogol yahay kaliya Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Jubbaland inay sugaan Amniga magaalada iyo goobta doorashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: