HomeUncategorized

Shirka Barlamaanada Afrika oo Maanta Furmay

Burtinle, 01March, 2016 -(Daljir)_Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika ee ku Mideysan Pan African oo sanad walba kulma afar jeer, ayaa waxaa magaadala Johannesburg si Rasmi ah uga furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan Sannadkaan 2016-ka, Guddiyada Baarlamaannada Afrika.

Baahin: Khamiis, Mar 15, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. 50-meeyo maxbuus oo Somali ah oo laga siidaayey xabsiyada Libya, 70-neeyo kale muhaajiriin ah oo la xiray; Qarax miino oo sigay taliyihii hore ee ciidanka bilayska gobolka Mudug; Dhawr qof oo loo qabtay fal-dambiyeedka; Qurbajoogta Puntland oo ka digay is-maandhaaf siyaasadeed oo carqalad ku noqda horumarka Puntland.
DHEGEYSO-Mid kamid ah isimada Puntland oo kahadlay arrimaha doorashada.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.
Burtinle, 01March, 2016 -(Daljir)_Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika ee ku Mideysan Pan African oo sanad walba kulma afar jeer, ayaa waxaa magaadala Johannesburg si Rasmi ah uga furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan Sannadkaan 2016-ka, Guddiyada Baarlamaannada Afrika.
 
Kulankaan oo socon doono muddo laba Toddobaad ah, ayaa Waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Pan African, Eduardo Mulembwe, isagoo faahfaahiyay Ajandaha shirka oo noqon doona in looga hadlo nabad-galyada iyo amaanka Qaaradda Afrika, miisaaniyad-sannadeedka 2017-ka, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hay’ad cusub oo ceymis ah oo ay yeelanayaan xubnaha ku jira Pan African, taasoo lagu magacaabo CIGNA.
 
Mudane C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun) oo ka mid ah Xildhibaannada Soomaaliya ku metelaya Shirkaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay qodobada ugu muhiimsan ee Somalia ka khuseeya kulankan, isagoo sheegay in Shirkaan looga hadlayo Amaanka iyo nabad-galyada Qaaradda Afrika, si gaar ahna looga hadlayo amaan-darada Somalia ka jira.
 
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Xukun oo Wax laga Weydiiyay Qaraxyada kusoo kordhaya Somalia oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyin ka tirsan dalka, ayaa sheegay inay dhawaan kala hadleen Wasiirka Amniga, iyadoo ay muhiim tahay inay xaaladda amni ee Somalia ka shaqeeyaan taliyayaasha ciidanka, hawl-galladoodana ay ballaarin doonaan

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: