Seychelles oo eedeyn xoogan u jeedisay Maamulka Somaliland

HomeWararka

Seychelles oo eedeyn xoogan u jeedisay Maamulka Somaliland

Dowladda Seychelles ayaa cambaareysay go’aankii uu maamulka Somaliland ku sii daayay 19 maxbuus oo hore lagu xukumay eedeymo la xariira Burcad badeedn

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
LACAG QAYBIN HAY’ADDA FAO DADKA JILICSAN EE DEEGAANO GALMUDUG
Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka DFS

Dowladda Seychelles ayaa cambaareysay go’aankii uu maamulka Somaliland ku sii daayay 19 maxbuus oo hore lagu xukumay eedeymo la xariira Burcad badeednimo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa cafis u fidiyay dhowaan maxaabiistaas oo xabsiyo dhaadheer hore ay ugu xukuntay maxkamada Seychelles.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Seychelles ayaa lagu sheegay inay layaab ku noqotay talaabada ay somaliland xoriyadooda ugu fasaxday maxaabiistan burcad badeednimada ku xukunaa.

Wasaaradda ayaa sheegtay in maxaabiistani ay ku xukunaayeen xabsi u dhaxeeya 30 ilaa 42 sanadood, islamarkaana hadda ay xirnaayeen kaliyaha 9 Sanadood.

Maxaabiistan ayaa waxaa ay haatan soo gaareen magaalada Muqdisho kadib markii oday dhaqameedyo ka soo jeeda Maamulka Galmudug ay gaareen magaalada Hargeysa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: