Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Amniga Magaalada Dhuusameeb.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Amniga Magaalada Dhuusameeb.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka qayb galeen dhammaan hay’adaha amniga heer federal ee lagu wareejiyey Amniga magalaada

Shirka ayaa aad looga hadlay Qorshaha sugida amniga caasimadda caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb, Diyaar garowga sugida amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha Dhuusamareeb iyo sidoo kale Dardar-gelinta qorshaha xoraynta deeganada Galmudug ay argagaxisadu uga sugantahay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan hey’adaha ku shaqada leh amniga waxa uu faray in iyaga oo wadajira ay kasoonida bulsahda sare loo qaado, sida ugu habboon uga soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee loo dhiibay si ay guul ugu dhamaadaan qorshaha lagu dhisayo hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Maanta ayaa laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeen sugidda amniga magaalada Dhuusamreeb ee caasimadd dowlad gobaleedka Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com