Ururka iskaashiga islaamka iyo DFS oo heshiis kala saxiixday (Sawiro)

HomeWararka

Ururka iskaashiga islaamka iyo DFS oo heshiis kala saxiixday (Sawiro)

Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga

XUKUUMADA OO 1 MILYAN UGU DEEQDAY DADKA AY SAAMEYSAY ABAARTA (Sawirro)
Rooble oo ka qeyb galay shir looga hadlaayay tiirka dhaqaalaha ee dalka
Laftagreen oo sheegay in dilalkii ka dhacay Baydhabo ay ciidamo qeyb ka ahaayeen

Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: