Imaaraadka Oo Sheegtay Inay Dowladda Qatar Taageerto Kooxaha Loogu Yeero Argagixisadda (Akhriso)

HomeWararka

Imaaraadka Oo Sheegtay Inay Dowladda Qatar Taageerto Kooxaha Loogu Yeero Argagixisadda (Akhriso)

Qoraal uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Garqaash maanta soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku tixraacay Warbix

Qardho | Suldaan Daahir Maxamed oo Baaq Nabadeed u diray beelo dirir ku dhexmartay Tuuladda Dhaxan.
Kismaayo dadka oo looga digay inay Garsoor u doontaan Al-Shabaab
Al-shabaab oo sheegtay inay dileen sarkaalkii dowladda ee Ceelasha Biyaha

Qoraal uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Garqaash maanta soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku tixraacay Warbixintii Codka lahaa ee uu Wargeyska The New York Times ku soo bandhigay Wada-hadalkii Khadka Telefoonka ee Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalkaasi kaga hadleen Qarixii bishii May 11-dii ee sannadkan ka dhacay magaalladda Bosaaso.

Garqaash  waxa uu Twitter-kiisa ku sii qoray in Qalaalasaha ay Dowladda Qatar ku hayso deriskeeda muujinayo xiriirka ay la leeyihiin Xag-jirka iyo Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sii raaciyey inaysan Qatar beenin Karin qoraalkaasi oo aan u baahnayn Baaritaano, isla markaana aan la soo dhaweyn Karin Eedeynta ku aadan Argagixisadda ka dhanka ah dalkiisa Imaaraadka iyo inay arrintaasi xaqiijinayso ficilka runta ee Afarta Waddan.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash inkastoo uusan qeexin dalalka afarta ee uu sheegay, haddana waxa uu ugala jeeday dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Msaar oo iyagu horey ugu eedeeyey dalka Qatar inay taageerto kooxaha Argagixisadda, inkastoo ay Dowladda Qatar beenisay Eedeymahaasi.

Afartaasi Waddan waxay dalka Qatar ku soo rogeen cunaqabatayn siyaasadeed bilowgii bishii June ee sannadkii 2017-kii, iyadoo aan ilaa iyo haatan wli loo helin Xal Diplomaasiyadeed.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: