Madaxweyne Deni oo Xarigga Ka Jaray Warshadda Tuubooyinka iyo Siligga (Sawirro)

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo Xarigga Ka Jaray Warshadda Tuubooyinka iyo Siligga (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka maray warshad cusub oo soo saari doonta tuubooyinka iyo siligga, taas oo

Urrurada Saxaafadda Somalia oo kasoo horjeestay Amarkii kasoo baxay Dowladda
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka maray warshad cusub oo soo saari doonta tuubooyinka iyo siligga, taas oo markii ugu horaysay laga hirgaliyey deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni oo musabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska kaashaday shirkadaan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo.

“Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey warshadaan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”.

“Waxaa bisha ogos la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan “xagge dalku u socon karaa dhinaciisa hormarku”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba, waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah.

Munaasabad kooban oo ka dhacay xaruunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkadaan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland. Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku weheliyey Daahfuray xaruntaasi Wasiiro, masuuliyiinta shirkadda iyo xirfadlayaal reer Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: