Ciidamo gaar ah oo ka socda QM oo gaaray Muqdisho (Sawiro)

HomeWararka

Ciidamo gaar ah oo ka socda QM oo gaaray Muqdisho (Sawiro)

Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Uganda ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya. Munaasabad soo d

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Mowshinka ka dhanka Jawaari oo la shaaciyay in la qaadayo 31ka bishaan

Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Uganda ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdiso ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan,taliyaha Ciidamada lugta Uganda Sareeye Guuto General Peter Elwelu iyo madax kale.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 625 askari ayaa 89 ka mid ah waxa ay yihiin haween waxaana loogu talogalay in ay ilaaliyaan Xarumaha UN-ka Shaqaalaha iyo saraakiishooda.

Taliye kuxigeenka Ciidanka dhulka dalka Uganda Kornayl Bainomugisha ayaa munaasabadan ka sheegay in si xirfad ahaan ah iyo weliba si hufan ugu shaqeyn doonaan waajibaadyada loo igmaday.

Imaanshaha ciidamadan ka socda Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo beegmeen iyadoo ururka Al-Shabaab uu sheegay in ay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku doonayeen inay ku dilaan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: