AMISOM Maxa ka tiri Qarixi Muqdisho?

AMISOM Maxa ka tiri Qarixi Muqdisho?

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa si weyn u dhalleeceeyay weerarkii ay l-Shabaab dhowaan la beegsadeen Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Danjire; Madeira, ayaa yiro, “Ficilkan naxariis darrada ah , waxaa cad in loogu talo galay in lagu daadiyo Dhiig badan oo ah Dad aan wax galabsan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Amb; Francisco Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in kuwa mas’uulka ka ahaa weerarka ay doonayaan oo keliya in ay sii wadaan ficillada noocan ah oo Dalkana u horseedaya bur-bur iyo qalalaase.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa intaa raaciyay in aysan Al-Shabaab ku guuleysan doonin ololaha dagaal ee macna darrada ah, wuxuuna sheegay in reer Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhami ay u ooman yihiin nabad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com