Diiwaan-gelinta musharixiinta Jubaland oo ka bilowday magaalada Kismaayo (sawiro)

HomeWararka

Diiwaan-gelinta musharixiinta Jubaland oo ka bilowday magaalada Kismaayo (sawiro)

Madaxwaynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa noqday musharixii ugu horeeyey ee qaata kaarka aqoonsiga musharaxnimada ee do

SAHANKA DALJIR & Jidka lafagorayo ( Sawirro)
Warbixin Maamulka degmadda Bosaaso oo Burburiyeey Guryo Sharci darro ah (Daawo)
Dareenka Shacabka Muqdisho ee Xilalka la Xayuubiyey

Madaxwaynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa noqday musharixii ugu horeeyey ee qaata kaarka aqoonsiga musharaxnimada ee doorashada madaxwayne ee Jubaland.

Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay kadib markii shuruudaha doorashada uu buuxiyay ayaa ugu yeeray musharixiinta kalle inay wadadaasi ay maraan, waxaana uu ku booriyay inaanay abuurin nacayb iyo fowdo.

Waxaa uu xusay inuu awood dastuuri ah uu uleeyahay magacaabidda guddiga madaxabanaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubaland, uuna isagu yahay musharax madaxwayne, ayna tahay musharixiinta inay dib u eegaan darruufihii Jubaland ay soo martay oo aysan noqon kuwa kor ka yimid.

Madaxwaynaha Jubaland ayaa dhanka kalle sheegay inuu qaadayo awoodiisa dastuuriga ee ilaalinta amniga Jubaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: