Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta

Daljir Bossaso iyo Daahfurka Tartan & Tacliin (T+T)
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka hadlay jahwareerka siyaasaded ee ka jira K/Galbeed
Wafdi kasocda Qaramada midoobey oo gaaray dhuusomareeb (dhegayso)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka oo ay ka qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay barnaamijyada horumarinta dalka.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, dowlad gobaleedyada iyo wasaarahaha haweenka iyo qorsheynta.

Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa intii uu shirku socday waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: