Guddoomiyaha Aqalka sare oo khudbad ka jeediyeey Shirkii Barlamaanada Aduunka (Sawiro)

HomeWararka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo khudbad ka jeediyeey Shirkii Barlamaanada Aduunka (Sawiro)

Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,ayadoo shirka intuu socday lagu falanq

Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe
Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki(Sawiro)

Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,ayadoo shirka intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliyeed ayaa shirka inta uu socday ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi.

Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,ayadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: