HomeUncategorized

Eng.Camey oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Somalia, December 08, 2015-(Daljir)_Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe kadhagax-dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland.

Dawladda Kenya oo ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Baahin: Axad, Sept 04, Weriye Xalima Sacdiya ~ Daljir ~ Garowe. Shirkii wadatashiga Somalida oo Muqdisho ka furmay; khudbadihii madaxda Somalida; Issimada gobolka Mudug oo shir ka yeeshay colaada Galkacyo; xabab joojin lagaga dhaqaaqay Galkacyo; M/weyne Faroole oo ku eedeeyey Galmudug in ay taakulayso kooxaha argagixisada.
Maamulka Waqooyi-Bari Kenya oo oo Amar ku Bixiyay in la soo Saaro Maydadka Dad la raadinayay
Somalia, December 08, 2015-(Daljir)_Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe kadhagax-dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland.
 
Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha oo uu hormuud u ahaa wasiirka wasaaradda, maamulka degmada Garoowe, injineero iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda katirsan.
 
Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntlamd Mudane Cabdijamaal Cismaan Maxamuud ayaa sheegay in dhismahaani uu mudo socon doono marka uu dhammaadana uu waxbadan ka bedeli doono shaqada baahsan ee ay wasaaraddu u hayso dalka Puntland.
 
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa dhankiisa bogaadiyey shaqada wasaaradda, wuxuuna dadka dhisaya kula dardaarmay inay dhisaan dhisme wax ku’ool ah oo mustaqbalka fog dadka iyo dalka anfaca.
 
By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: