Madaxweynaha Galmudug oo xilka ka qaaday Guddoomiyihi gobalka Mudug

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo xilka ka qaaday Guddoomiyihi gobalka Mudug

Madaxweyanaha dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Ducale Geelle Xaaf, ayaa xil ka qaadis ku sameyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka mudug mudane Ca

Shir u dhaxeeya Wasaaradaha Maamul gobaleedyada & DFS oo Muqdisho ka furmay (dhegayso)
Maxay Tahay Sababta uu isku casilay Taliyihi Booliska dhuusamareeb? (Daawo)
Dowladda hoose ee degmada Garoowe oo howlgal bur burin ah ka samaysay Suuqa Inji (dhegayso )

Madaxweyanaha dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Ducale Geelle Xaaf, ayaa xil ka qaadis ku sameyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka mudug mudane Cabdi rashiid Xaanshi Cartan, isaga oo u magacaabay Guddoomiye cusub.

Wareegtadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug loogu magacaabay mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo hore uga tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa warqaddiisa magacaabista waxa uu faray Hey’adaha amniga ee ka howlgala Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan Guddoomiye Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Hey’adaha gargaarka ee ka howlgala Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayuu faray, in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: